Download Croatia Vs England 2-1 All Goals & Highlights World Cup Semi Final 2018 Lagu MP3, Video MP4 & 3GP - Euromusicagarijo.com
Euromusicagarijo.com
HOMEVIDEOMUSIC

Search videos

Situs asli Euromusicagarijo.com hanya di http://euromusicagarijo.com / The original Euromusicagarijo.com site is only http://euromusicagarijo.com !
Selasa, 17-Jul-2018 - 05:46:08

Croatia Vs England 2-1 All Goals & Highlights World Cup Semi Final 2018

Duration: 8:22 Uploaded: 11 July 2018

NOTE : Klik Tombol Download -> Lanjutkan Link -> Download MP4
Croatia,Vs,England,2-1,All,Goals,&,Highlights,World,Cup,Semi,Final,2018 Xulka qaranka Croatia ayaa markii taariikhdiisa ugu horeeyay u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadheen England. Inkasta oo xulka England uu hogaanka ciyaarta hayay min daqiiqadii 5 aad ee bilawgii kulankan ilaa daqiiqadii 68 aad intii laga soo gaadhayay haddana qaybtii labaad ee kulankan ayuu Perisic xulkiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay. Laakiin labada xul ayaa ku kala bixi waayay waqtigii rasmiga ahaa taas oo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daray waxayna Croatia waqtigan ku dhamaadkiisii ku keensadeen goolka ay guusha soo laabashada ah kaga gaadheen Three Lions. SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN: ENGLAND (3-4-1-2): Jordan Pickford; Kyle Walker, John Stones, Harry Maguire; Jordan Henderson; Kieran Trippier, Jesse Lingard, Dele Alli, Ashley Young; Raheem Sterling, Harry Kane. Advertisement Kaydka: Danny Rose, Eric Dier, Jamie Vardy, Jack Butland, Danny Welbeck, Gary Cahill, Phil Jones, Fabian Delph, Marcus Rashford, Ruben Loftus-Cheek, Trent Alexander-Arnold, Nick Pope. CROATIA (4-1-4-1): Danijel Subasic; Sime Vrsaljko, Dejan Lovren, Domagoj Vida, Ivan Strinic; Marcelo Brozovic; Ante Rebic, Luka Modric, Ivan Rakitic, Ivan Perisic; Mario Mandzukic. Kaydka: Dominik Livakovic, Vedran Corluka, Mateo Kovacic, Andrej Kramaric, Lovre Kalinic, Tin Jedvaj, Filip Bradaric, Duje Caleta-Car, Milan Badelj, Marko Pjaca, Josip Pivaric. DAQIIQADII 5 AAD Alla Maxay Bilaabasho Fiican U Ahayd!! Xulka qaranka England ayaa markiiba helay goolkooda furitaanka oo waliba ahaa mid cajiib ah kaas oo uu difaaca Kieran Trippier ku dhaliyay kubbad laaga xorta ah oo uu ka soo tuuray meel ka baxsanayd xerada ganaaxa Craotia isaga si buuxda u garaacay goolhaye Subasic waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay markiiba Three Lions hogaanka ciyaarta kula wareegeen. Kaieran Trippier ayaa noqday ciyaartoygii England ah ee ugu horeeyay ee xulka England koobka aduunka kubbad laaga xorta ah gool ugu soo dhaliyay tan iyo 2006 kii markaas oo uu David Beckham ahaa xidigii ugu danbeeyay ee kubbad laaga xorta ah gool ku dhaliyay. Xulka Croatia ayaa bilaabay in ay ka dagaalamaan goolka markiiba wadnaha hoos loogu jiray laakiin waxay u muuqdeen kuwo aan jabin karin difaaca birta noqday ee xulka England kaas oo isbadal layaableh uu ku sameeyay Garth Southgate. Ciyaarta ayaa noqtay mid sii adkaatay iyada oo England raadinaysay goolka labaad isla markaana dhinac ahaan taxadar ka muujinaysay in ay hogaanka ciyaarta iska lumiso waxayna Croatia ku dhibtoonaysay in ay fursado badan ku abuurto goolka England. DAQIIQADII 29 AAD Harry Kane ayaa ku dhawaaday in uu England u keeno goolka labaad laakiin waxaa fursad fiican ka beeniyay goolhaye Subasic laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib Croatia ayaa markeeda heshay fursad halis ah iyada oo Rebic uu goolhaye Pickford ku sababay in uu badbaadin sameeyo. Wax walba oo uu xulka Croatia sameeyay waxay awoodi waayeen in ay qaybtii hore ciyaarta ku soo laabtaan oo ay keensadaan goolka barbaraha waxaana lagu kala nastay 1-0 uu xulka qaranka